Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegey in Maamulka Keliya ee Sharciga Ku Dhisan uu Yahay Midka Puntland

0
17

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay Xuskii 17-sano guuradii Aasaaskii Puntland ku sheegay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee sharciga ku dhisan Somalia oo dhan.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray inuu xubnaha Al-shabaab ee soo goosanaya ay haystaan muddo bil ah oo ay ugu soo biiri karaan maamulkiisa, cafikaas oo uu ku sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, isagoo ka Hadlayay Arrimaha Federaalka Somalia ayuu sheegay in Puntland ay tahay maamulka kaliya ee sharciyad leh. Isagoo intaas ku daray inay doonayaan inay raadiyaan dowladnimo taam ah oo aan cidna marti loogaga ahayn.

C/weli Gaas ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu noqonayo Sadnadkii la dagaallanka Musuq-maasuqa. Wuxuuna sheegay in doorasho ay ka dhici doonto Sannadka 2019-ka doorashadaa oo ah Qof iyo Cod.