Gudoomihii Hore ee Degmada Marka oo Ka Hadley Dhibaatooyinka Amison Ku Heyso Degmada Marka

0
40

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan “Yariisoow” ayaa ka hadlay tacadiga ciidanka Amisom ay ka geysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay in ciidamada Amisom falka ay ku laayeen dadka shacabka ah uu yahay mid aan la isaga hari doonin, isaga oo tilmaamay in arintani ay soo noq noqotay oo waxba laga qaban waayay.

Yariisoow, ayaa ku waramaayo in ciidamada Amisom uu la xiriiray, islamarkaana uu kala hadlay arintaan, isaga oo si adag u sheegay inaan looga hari doonin dhibaatada Amisom dadka shacabka ah ay u geysatay.

Dadka Amisom ay laysay ayaa waxaa ku jira Aabe iyo afar caruur ah uu dhalay oo ay ku dileen Magaalada Marka ee xarunta Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Tacadiyada ka dhanka ah ciidamada Amisom ay ka geystaan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa noqday kuwa soo laa laabta oo aysan jirin cid Amisom kula xisaabtanta, xilli shacabka Magaalada ay Dowladda ku dhaliilayaan inaysan wax ka qaban dhibaatooyinka ciidanka Amisom ay ka geystaan Magaaladaasi.