Gudomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Osman Jawaari oo Xaley Ka Qeyb Qaatey Xeritaanka Cayaraha Somali week

0
23

Tartankii ciyaaraha Somali-Week ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada, kuwaasoo billowday 24-kii July illaa 03-da August – 2015-ka oo maanta ah. Iyadoo koobka ay ku guuleystay Koox ka socday Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Ciyaaraha Somali-week ee sannadkan ayaa muhiim u ahaa Sannad-guradii 25-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Somali-week, iyadoo la aasaasay Sannadkii 1990-kii. Waxaana Nasiib u yeeshay inuu koobka guddoonsiiyo kooxdii guushu raacday Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Tartankan ayaa waxaa ka Qayb-galay 12-kooxood oo kuwa Kubadda Cagta ah, kuwaasoo ka kala yimid; Washington DC iyo Columbus, OHIO oo Mareykanka ku yaalla iyo sidoo kale, Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada.

Ciiyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka Somali-Week ayaa waxaa isku arkay kooxaha Banaadir oo ka dhisan Toronto & OHIO TMT oo ka dhisan gobolka ee dalka Mareykanka; waxayna guushu 3-2 ku raacday kooxda OHIO TMT.