Howlgalo laga sameeyey Degmada wanleweyn oo dhalinyaro badan lagu soo xirxirey

0
44

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee degmada Shabeellaha Hoose waxay ku soo xireen 12 dhallinyaro ah oo lagu tuhmayo inay wax ka ogaayeen qarax shalay halkaas ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Isaaq Maama ayaa sheegay in dadka la xiray lala xiriirinayo qarax loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Isaaq wuxuu intaas ku daray in dhallinyarada lagu qabtay howlgalka lagu xiray saldhigga magaalada si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Si kastaba arintu ha ahaatee qaraxan shaley ka dhacay decmada ayaan geysan wax dhibaato ah balse ujeedada howlganka ayaa ah mid lagu sugayo amaanka degmada si eysan u dhicin qaraxyadan oo kale.

Daafeet.Com