Barnaamijkii Dadow Doodnoy oo an Usbuucan diirada ku saari doono xiriirka ka dhexeeya Jaaliyadaha Dibada iyo Masuuliyiintooda

0
26

Barnaamijkeenii Dadoow Doodnoy oo aad nooga barateen in aan idin soo gudbino usbuuc walba maalinta Axada ayaa usbuucan waxaa inoogu marti ah Ing Saalax Sheekh oo ka mid ah xubnaha loo soo doortey in ay kasoo shaqeeyaan Maamul Goboleedka Koonfurta Somaliya.

Waxaa kaloo inoogu marti ah Gudoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Dalka Sacuudiga Cumar Boongo iyo Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Gigil iyo Mirifle ee Dalka Ingiriiska Maxamed Nuur.

Barnaamijka ayaan waxaan diirada ku saari doonaa Usbuucan xiriirka ka dhexeeya jaaliyadaha dega koofurta somaliya ee ku nool dalka dibadiisa iyo masuuliyiintooda ku nool dalka gudihiisa iyo dib u dhis intee la eg ayey ka geysan karaan dalka gudihiisa.

Waxaan kaloo ayanu su’aalo ka weydiin doonaa arimaha ku saabsan Jaaliyada ahaan inta ey la eg tahay isku xirnaantooda dalalka ey ku nool yihiin maadaama meelo badan oo dibada ah ay ku kala daadsan yihiin.

 

Daafeet.Com