Wasiirka Arimaha dibada dalka somaliya oo ka hadashey xiriirka Somaliya iyo Shinaha

0
53

fowsiyoWasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Haji Adan ayaa si weyn waxay kaga hadashay xariirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dowlada Shiinaha,iyadoo xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamtay mid wanaagsan.

Hadalkaan ayay wasiirada ka sheegtay kadib wareysi qaas ah oo ay siisay wakaalada wararka dalka Shiinaha (Xinhua),waxayna shaaca ka qaaday in marka laga soo tago xariirka Shiinaha iyo Soomaaliya,dowlada Shiinaha wax badan ay u qabteen umada Soomaaliya iyo dalkaba.

“Dowlada Shiinaha waxaana ahayn saaxiib wanaagsan laga soo bilaabo 1960s,markaasi shinaha qeyb ka aheyn golaha ammaanka,waan caawinay Shiinaha,waxaan u olalleynay in uu qeyb ka noqdo wadamada Qaramada Midoobay xubnaha ka ah.”ayay tiri Fowsiyo.

Sidoo kale Wasiirada arimaha dibada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay carabka ku adkeysay in Shiinaha uu ka tirsan dowladaha sida weyn u kaalmeeyay Soomaaliya,iyadoo haatana sheegtay inay intaasi ka sii dheereynayaan.

Daafeet.Com