Dagaalo Ka Dhacay Deegaanka Ceel Wareegow ee Gobolka Shabeleha Hoose

0
24

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Ceel Wareegow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan Dagaal khasaare geystay in uu xalay ka dhacay halkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel Wareegow.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo arintaas ka hadley ayaa sheegey Dagaalkan in uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Al-shabab war ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Deegaanka Ceel Wareegow ay Dagaal kula wareegeen, inkastoo saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose aysan weli arintaasi.