Dagaalo La Isku Adeegsanaayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan oo Maanta Dib Uga Soo Cusbonaadey Magalada Gaalkacyo

0
23

Dagaallo iyo duqeymo culus ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudud, kuwaasoo u dhexeeya ciidan ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaafiic kala duwan oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan ayaa ku dhacaya inta badan xaafadaha Gaalkacyo ay ka kooban tahay, kuwaasoo Dadweynihii ku noolaa ay horay uga barackeen.

Maamullada Puntland iyo Galmudug, ayaa shalay beeniyay in heshiis dagaalladaan hakad lagu gelinayo ay dhex-dhigtay Xukuumadda Itoobiya, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ay warkaan ku shaacisay boggeeda Internet-ka.

Ugu dambeyn, Colaadda ka taagan Gaalkacyo ayaa soctay muddo ku dhaw laba toddobaad, iyadoo Hay’adda UNHCR ay sheegtay in colaadahaas ay ku barkaceen in ka badan konton kun oo qof.