Dil Caawa ka Dhacay Magaalada Baydhabo

0
67

Magaalada Baydhabo ayaa caawa waxaa lagu soo waramayaa in lagu toogtay ruux rayid ah oo aanan la garanaynin sababta ka danbaysa dilkiisa.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo halkaasi oo kooxaha hubaysan ay ku toogteen qofka dhalinyarada ahaa.

Waxaa la sheegay qofka la dilay in lagu magacaabi jiray Maslax, kaasoo ka mid ah dhalinyarada magaalada ilaa iyo iminkana lama garanayo sababta ka danbaysa dilka wiilkaan.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa durbaba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Baydhabo kuwaasi oo goobta ka sameeynaya baaritaano adag oo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay qofka shacabka ah.

Baydhabo Janaay oo ay hada ka socdaan dhaqdhaqaaq lagu soo dhawaynayo martigelinta dowlada goboleedka Koonfurta Soomaaliya oo ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan Lixda Gobol ayaa hadana ciidamada dowlada waxa ay wadaan sugidda iyo adkeynta dhanka ammaanka ee magaalada, inkastoo falalka lidi ku ah ammaanka ay bilooyinkaan dambe aad ugu yaraayeen.

Daafeet.com