Gobolka Banaadir oo mar dhow la geyn doono baabuurta Dab Demiska

0
70

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay xilli dhow gaaraan saddex baabuur dab-damis oo cusub, kuwaasoo lagula tacaali doono dabka, sidaana waxaa sheegey duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay inuu maamulka gobolka Banaadir labo dab damis ka iibsaday shirkad fadhiggeedu tahay magaalada Leicester ee dalka Braitan, taasoo uu sheegay inay sicir-dhimis fiican u sameysay.

Dab-damiska saddexaad waxaa ku deeqday hay’ad samafal ah, waxaana la soo marsiinayaa Dubai.

Tarsan wuxuu sheegay in labada dab-damis ee yaalla dalka Ingiriiska laga soo qaadi doono Southampton 19-ka bishan kaddibna la geyn doono Soomaaliya si loo horumariyo diyaargarowga maamulka ee ku aaddan la tacaalidda dabka.

Daafeet.Com