Golaha wasiirada Maamulka Shariif Xasan oo Sheegey In Ciidamo Ka Sacda Maamulkaas La Geyn Doono Gobolka Shabelaha Hoose

0
34

Kulan aya shaley isugu yimaadeen golaha wasiirada maamulka Shariif Xasan ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamo Militari ah oo dheeraad ah la geynayo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulan shalay ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Shariif Xasan ayaa waxa ay kaga hadleen weerarkii Afgooye, waxaana ay isku raaceen in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Gobolka Shabeelaha Hoose.

Golaha Wasiirada Maamulka Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen saldhigyo waa weyn in Ciidanka maamulkaas looga sameyn doono Gobolka Shabeelaha Hoose, si ay uga hortagaan weerarada Shabaab.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa how u ah kooxo ku labisan dareyska dowlada oo u abaabulan qaab beeleedyo oo in mudo ahba dadka ar ka mari la yihiin wadooyinka gala gobolka ayagoo isbaarooyin meel walba u yaala.