Gudiga Doorashooyinka Dadban oo Sheegey Iney Guda Galeen Howlaha Doorashooyika Aqalka Sare

0
27

Guddiga Doorashooyinka Dadban, ayaa sheegay in la guda-galay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhowaan la xareyn doono Ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan, Avv. Cuma Dhagey ayaa sheegay in maamul-goboleedyada Somalia ay billaabaan soo Gudbinta liisaska ergooyinka, isagoo ugu baaqay maamullada kale inay soo dhameystiraan liiska ku haray

“Ergooyinka illaa hadda lasoo xareeyay, waxaa ugu horeeyay Maamulka Jubbaland oo 43-ergo soo dhameystiray , waxaa kaloo soo diyaariyay Maamulka Koofur-galbeed 57-ergo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Somalia.

Sidoo kale, Avv. Cumar Dhagey ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Galmudug in ay soo dhameystiraan tirada guud ee laga doonayo oo uu xusay inay qaybo ka mid ah diyaariyeen. Isagoo intaas ku daray in doorashada Aqalka Hoose ay rajeynayaan inay ku dhacdo waqtigeeda, ayna billaabatay 23-kii bishan Oktoobar oo ku beegnayd shalay.