Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Soo Dhaweeyey Doorashadii Shaley Ka Dhacdey Jowhar

0
48

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlay Warbaahinta ayaa amaanay doorashadii shalay lagu doortay Madaxweynaha iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in ay taageersan yihiin in Caasimada maamulka ay noqoto Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Reer Hiiraan ayuu sheegay in ay la shaqeyn doonaan Madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle , isagoona intaasi ku sii daray in doorashadu ay ku dhacday si cadaalad ah.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa horay u sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan ay dhisanayaan maamulka u gaar ah , islamarkaan aysan raaci doonin maamulka laga dhisaayo Magaalada Jowhar.