Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Ahlusuna oo Maamulka Galmudug Ku Eedeeyey Dagaalada ka Socda Deegaanadaas

0
112

Gudoomiye Ku Xigeenka Urur Ahlusunna Waljameeca Cali Bashiir Faarax “ Cali Baashi “ ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu dagaal ka hurinayo magaalooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee Dalka.

Waxa uu sheegay in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaanadaasi isla markaana aysan wax jawaab ah aysan ka bixin Maamulkooda sida uu sheegay Waxana uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Gobolada Dhexe aan lagu kor dagaalamin.

Sidoo kale Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Cali Baashi ayaa waxa uu beeniyay in Xiriir uu kala dhaxeeyo Maamulka Puntland isagoona sidoo kale Sheegay in wararkaasi iyo Eedeymaha loo jeedinayo Ahlu Sunna aysan waxbo ka jirin.

Hadallkan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa kadib koilkii beryahan ay dagaalo u dhexeeya maamulka galmudug iyo puntland ay ka dhaceen deegaanadaas.