Guuxa Dadweynaha”Shariifoow ma xaqbaa in looma Ooyaha loo dilo!”

1
40

bunayste

 

 

 

 

 

Guud ahaan shacabka KoonfurGalbeed Mucaarad iyo Muxaafad ayaa iyagoo shaki badan ka qabay maamulka maqaar saarka ah ee Shariif ayaa hadana waxay isku qanciyeen waaqaca horyaalay oo lahaa laba daran mid dooro(Inuu Gawaad Shariif oo kaa dhashay uu ku gato amaba Xasan Garguurte oo aan kula dhalan ku iibgeeyo) Taasi oo si kasta oo loo dhigaba lahayd dhibteeda gaarka ah ayaa hadana waxay soo dedejisay in qayb ka mid ah taageerayaasha Shariif ay ku beer laxawsadaan shacabka inay abuuri doonaan maamul Baraare oo ay ummadduna ku heli doonaan Nabad,Sinaan,Cadaalad iyo Horumar sidoo kalena dib loo yagleeli doono doonista dhulka ka maqan reer KoonfurGalbeed taa bedelkeedana waxaan maanta oo balanqaadyadan ka soo wareegatay Lix iyo Toban bilood uu maamulka Shariif ku fashilmay guud ahaan balan qaadyadiisii balse waxa uu ku guulaystay inuu Shacabka reer KoonfurGalbeed u Af-duubo madaxbeeleedyada Hawiye ee Xasan Shiiq hor kacayo ee fadhiya Villa Soomaaliya.

 

Ummadda KoonfurGalbeed oo loo Iibgeeyo Muqdisho ma ahan arin cusub mana noqon doonto Iibgayntan Shariif tii ugu danbaysay Laakiin su’aasha maanta taagani waxay tahay Gawaadada reer KoonfurGalbeed Gawaad Shariif ka dib ma heli doonaan waxay Muqdisho u iibgeeyaan oo Beec-gala?.

 

 

Maaweeladii Sedexda gobol iyana maanta inay isugu soo biyo shubantay degmada Baydhabo oo weliba kolkii laga reebo ciidamada reer Itoobiya ee AMISOM aan Shariif u hayn wax maamul ah amaba adeeg Bulsho shacabka ku dhaqan degmada maxaad ku fasirateen?.

 

Kol hadii Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed uu dhex degay Villa Soomaaliya magaalada Muqdisho,Reer Baydhaba Qaraxyo lagu jahwareeriyay,Si reer Shabeelaha hoose loo halmaansiiyo qadiyada dhulkooduna Bakool muran la gelshay maxaa haroo la maamulaa?.

 

Inkasta oo Su’aalo aad u badan oo aan jawaab u hayn maamulka Shariif ay Shacabku soo bandhigayaan ayaa waxaa hadana dhega wax maqla,Indha wax arka,San wax uriya,Carab wax dhadhamiya iyo Dareen wax lagu garto aan laguba arag Shariif iyo inta ka hoos shaqaysa.

 

Guuxa oo u taagan inuu soo bandhigo dareenka dadkiisa ayaa waxa uu dul tagay goobihii lala beegsaday Qaraxii mataanaha ahaa ee Baydhabo ka dhacay,Inkasta oo xiligu ahaa goor hore ayaa waxaa hadana halkaasi fadhiyay dad aad u kooban oo runtii u muuqday kuwo ay wajiyadoodu laga dheehan karay muragadii ay reebeen qaraxyadii dhacay sedex cisho ka hor maalintan.
Aniga iyo Abdi waxaan wada fadhinay geeskaas ka hor qaraxa waxaana u sheegay inaan soo noqon doono kol dhow maqribka ka hor sidaasaana uga soo dhaqaaqay goobtii kadibna waxaan maqlay qarax ma qiyaasi karo xaalkayga sida uu isu bedelay waxaan si degdeg ah u soo gaaray goobtii waa tanoo qadartii ILLE iyo fal uu shaydaan maleegay,Maxaan kaloo sheegnaa ayuu raaciyay Maxamed oo u muuqday ruux cabsi dilootay dayacna tirasaaya.
Waa run oo wax la sheego ma leh ayuu lasoo booday wiil dhalinta Ciyaaraha magaalada ka mid ah oo goobta wax ka fadhiyay isagoo hadana raaciyay “Maalin walba inta nala xasuuqaa jawaab nalooga dhigaa Shabaab kadibna inta masaakiin lasoo ururiyaa la yiraahdaa waa kuwan kuwii qaraxa ka danbeeyay ee maxaa haray oo aan sheegnaa”
“Fiiri dadka laqabtay ee iyadoon maxkamadba xukumin la leeyayhay waa kuwii qaraxa gaystay oo Juhalo maamul loo dhiibay ay leeyihiin waxaan haynaa kuwii qaraxa sameeyay waa yaabe hadayba ogaayeen maxay u qaban waayeen ka hor inta ummadda ayan qarxinin mise ummadda qarxinteedaa ganacsiga Shariif galay?”ayuu si hoose u yiri Oday meesha fadhiyay.
Maamulka Shariif kuma ekaan inuu dad sida xoolihii uu xabsiyadiisa ugu soo urursho balse waxa uu dadkan danbiilayaal ka dhigay ka hor inta ayan dacwadoodu Maxkamadba la horgayn dad xaalkoodu ILLAAH uun ogaa,
Si ay u meel mariyaan mar marsiiyana ugu helaan falkooda jahliga dilooday ayaa waxa ay Muqdisho uga yeerteen wax loogu yeero Maxkamada Ciidamada Qalabkasida kuwaasi oo si indha la’aan ah wax ku xukuma iyagoo dhankooduna mudo sedex cisho gudahooda Ku akhristay,kuna Baaray,oo weliba ku Xaqiiqsaday in eedeymihii ay qoreen denbi oogayaashii dadkan ka hor maxkamada denbiilayaal ka dhigay kadibna riday xukun maxkamadeed oo Dil gaarsiisan welibana ilaa Shan ruux in la dilo ah waayaabe xagey wax ku soo barteen?
Ma filaayo inay ehel u yihiin garsoor balse!
Shaki kuma jiro in dhab ahaan ruuxii amaba dadkii ka danbeeyay falkan argagaxa leh ee qaraxa ahaa ay yihiin danbiilayaal mutaysan kara ciqaab dil gaari karta waase hadii ay helaan maxkamad cadaalad leh oo soo bandhigta cadeymo lagu qanci karo sidoo kalena ay helaan eedaysanayaasha qaryaqaano difaaca si looga hortago in cadaalada horteeda lagu galo fal danbiyeed cadaalad daro ah sida hada ii muuqata.
Hadaba yaa ka mas’uul ah hadii go’aanka Maxkamadu ee ay dilka ugu xukuntay mudo sedex maalmood gudahooda ilaa shan ruux uu noqon waayo xukun cadaaladeed?
Yaase qaadaya mas’uuliyada hadii dadkan iyagoo dulmanayaal ah loo dilo?
Denbi loo ciqaabo dad aan galin Amni malagu sugi karaa?
Sharciga Milatariga ee dadkan lagu xukumayse ma qabtaa maadaama ayan iyagu ahayn Ciidan?
Mise xaalku waa looma Ooyaha dilkiisa ku qanci kuwa indhaha kulul kugu soo eegaya.

Qalinkii:Abdiaziz ShSalah.

1 COMMENT

  1. Abdiazizow hadal badan xaan ma buuxsho ee hala soo daayo kuwa ku jira gacanta cadowga kuwa harey halagu dhiiri geliyo in ay xoreeyaan dhulkooda

Comments are closed.