Halkey mareysaa howlihii ku saabsanaa Maamul u sameynta Jubooyinka

0
67

Howsha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo mudooyinkanba hadal haynteedu si weyn looga dareemay dalka gudahiisa iyo dibadaba,inkastoo ilaa iyo hadda ayan qabsoomin shirweyne looga hadlayo Maamul Goboleedka Juboland,balse hadana waxaa magaalada Kismaayo ka soconaya Wadaxaajoodyo halkaasi ay ku leeyihiin Beelaha Qaar.oo la doonayo sidii looga tashan lahaa Maamulkaasi.

Arimahana ayaa dhinaca kale waxaa dabada ka riixaya Dowlada Kenya ee Ciiidamadeedu ay ku sugan yihiin Gobolka Jubada hoose iyo deegano ka tirsan Gobolka Gedo iyo weliba Urur Goboleedka IGAD,inkastoo Dowlada Soomaaliyana dhinacadeeda ayan ku qanacsaneen Qaabka ay wax u socdaan.

Deegaanada la doonayo in ay ku midoobaan Maamul Goboleedka oo kala ah Gobolada J/Hoose,J/Dhexe iyo Gedo ayaa intooda waxan Waxaa gacanta ku haya Xarakada Alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

HALKEE MAREYSEAA MAMUL U SAMEYNTA JUBOOYINKA

Daafeet.Com