Somali Radio
Somali Linkz
Tiro Toban ka badan oo ciyaal dugsi ah oo galabta lagu laayay Muqdisho.
Inta la ogyahay 8 ruux ayaa ku dhimatay in kabadan 19 kalena way ku dhaawacmeen ka dib dagaalo maanta gelinkii dambe ka dhacay xaafado ka mid ah Muqdisho. Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii xoogaga Xarakada Shabaab ay weerareen fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku meel gaarka ku lahaayeen hotelkii hore ee Jubba oo ku yaalla degmada Boondheere, halkaasi oo dhinacyada ay ku dagaalameen.Dagaalka ka dib ayaa waxaa magaalada ka bilawday duqeymo xoogan oo ay geysanayeen ciidamada AMISOM oo iyagu u jawaabayey hoobiyaal lagu soo tuuray goobta ay fariisin tooda tahay.
Duqeymaha badankood ayaa gaarayey xaafado ka durugsan goobaha dagaalka, waxaana meelaha dadku ku dhaawacmeen ka mid ah 11carruur ah oo dugsi Quraan ku jiray oo madfac uu ugu tegey degmada Karaan kuna dhaawacmay.
Daryanka madaafiicda culus ayaa illaa caawa fiidkii laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada iyadoo ay u muuqato in ciidamada AMISOM ay weli tuurayaan madaafiic culus. Warar dadka degaanka aanu ka helnay ayaa sheegaya in caawa maqribkii dhowr madaafiic ay ku dheceen suuqa Bakaaraha iyo degmada Hodan.
Dadka dhaawacyada ah ayaa la geeyey isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, iyadoo saraakiisha caafimaaduna ay sheegeen in dhaawacyada ay u badan yihiin dad rayid ah oo guryahooda joogay.Madaafiicdii ayaa joogsatay wax yar ka hor kadib markii ciidamada Amisom ay iskooda ugu daaleen duqeyntii ay bilaabeen galabkii hore ee maanta.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (2 posted):
Post your comment