Home | General | Ururka Xisbul Islaam oo xukun dhagax ku dil ah ka fuliyay degmada Toorotoorow

Ururka Xisbul Islaam oo xukun dhagax ku dil ah ka fuliyay degmada Toorotoorow

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Xukun rajmin ah ayaa maanta maamulka ururka Xisbul Islaam waxaa uu ku fuliyay nin lagu eedeeyay inuu zuneestay.

C/qaadir Xuseen Ibraahim oo 25 jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah haweeney ugu qalmooday, waxaana maanta lagu fuliyay xukun dhagax-ku-dilis ah.

Goob fagaaro ah oo ku taala degmada Toorotoorow ee gobalka Sh/Hoose ayuu ka dhacay xukunkan, waxaana goob-joog ahaa hogaamiyaha Xisbul Islaam, Sh. Xasan Daahir Aweys, mas'uuliyiin iyo dad kale oo bulshada ka tirsan.

Mas'uul u hadlay maamulka ururka Xisbul Islaam ee degmada Toorotoorow ayaa wuxuu sheegay inuu dambigiisa qirtay C/qaadir Xuseen Ibraahim.

Si kastaba arintu ha ahaatee xukumadan ayaa waxaa ey ka dhacaan oo keliya dhulka shabeelaha hoose oo ey xisbul islaam gacanta ku heyso intii ey socdeen xukumada noocan oo kale ah weli nama soo gaarin xukun noocan oo kale oo ka dhacay gobolada dhexe, taasin micnaheeda ma aha gobolada dhexe lagama zineysto ee waa micno kale oo u baahan in umada u dhashay deegaankaas ey ka hadlaan howlaha ka socda gobolka.

Comments (1 posted):

MAHAD MAXAMUD CADAAN on 27 July, 2010 10:00:22
avatar
walaahi been ma ahan gobolada dhexe kama dhacan xukunka noocaas ah laakin waxaan layaaba dadka nacasiinta ah o shabeelda hoose dega maalin walba xisbul qabiil leynayso ayagana iskaga aamusanyihiin mey laheshiiyaan shabaab oo may raacaan shabaab alla ciil badanaa digil iyo mifle goormee kacaysaan weligiina hurdalay maa ku jiraysaan

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet