Home | General | Sheekh Atam iyo Faroole oo Hub urursiku jira, guulana ka kala sheegtay dagaalkii shalay

Sheekh Atam iyo Faroole oo Hub urursiku jira, guulana ka kala sheegtay dagaalkii shalay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Waxaa socda dhaq-dhaqaaq militari oo aad u xooggan badan kaasi oo ay samaynayaan qaybihii ku dagaalamay buuralayda gobolka Bari gaar ahaan deegaanada Galgalo,Laag iyo Kirin ee Bariga dalka Soomaaliya.
Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay ku sii qulqulayaan deegaanka Galgalo iyo nawaaxiga dhulka buuraleyda iyagoo wata gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan, waxaana ciidamadaasi weheliya masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno ka kala socda labada gole ee xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ciidamada.

Halka koox Islaami ah oo iyana deegaanadaaas Shalay kula dagaalamay ciidamada maamulka Puntland ay dhankooda wadaan dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay ugu diyaar garoobayaan weerar mar kale kaga yimaada dhinaca ciidamada Puntland, waxayna difaacyo adag ka samaysateen goobihii shalay dagaaladu ka dheceen.
Dhanka kale Hogoomiyaha Kooxdan Max’ed Saciid Atam oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo ciidamo u daacad ah ay shalay deegaano ka mid ah gobolada Bari iyo sanaag ay kula galeen Ciidamada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay ka go’antahay in isaga iyo ciidamadiisa ay la wareegaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari iyo magaalooyinka kale ee Puntland si ay uga hirgaliyaan Shareecada islaamka.
"Wali anaga ayaa gacanta ku heyno Galgale, kuwii naga soo horjeeday weey carareen, haduu ALLE idmana waan sii wadi doonaa dagaalka" ayuu yiri Atam.
Isagoo ugu baaqay shacabka reer Boosaaso inay u istaagaan sidii ay ku taageeri lahaayeen dagaalka ay wadaan.
Dhanka kale Sheekh Atam ayaa xaqiijiyay inuu ka tirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay ku walaaloobeen Shareecada islaamka, waxaana tani ay meesha ka saareysaa hadal heyntii aheeyd in uu xariir la leeyahay Al-Shabaab, waxaana Buuraha ay kusuganyihiin Ciidamadiisa uu ka taagay Calanka Madow ee uu ku qoranyahay Towxiidka Alle.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet