Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo la caleema saaray.
Xaflad aad u Balaaran ujeedkeeduna ahaa ku wareejinta xilka Madaxweynaha Somaliland Madaxweynaha la doortay ee Max’ed Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland,
Xafdaladaani oo aheeyd mid taariqi ah ayaa ugu horeyn waxaa la dhaariyay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana halkaasi ka hadlay Madaxweynaha xilka wareejiyay Daahir Riyaale Kaahin isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay munaasabada maanta ka dhacday Magaalada Hargeysa waxaana uu sheegay in uu si weyn ula shaqeyn doono Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa.
Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu tilmaamay in xilka madaxweynenimo uu yahay mid culus, waxaana uu ku faaney in uu wax weyn qabtay mudadii 8-dii sano aheeyd ee la soo dhaafay, waxaana madaxweynuhu uu sidoo kale shacabka Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynayaha Cusub ee Somaliland.Intaasi kadib ayaa waxaa mikarafoonka qabsaday Madaxweynaha Cusub ee Maanta la caleemo saaray Axmed Max’uud Siilaanyo waxaana uu sheegay in uu soo dhaweynayo qaabka wanaagsan ee walaaltinimada leh ee Madaxweyne Riyaale uu ugu wareejiyay xilka isagoo dhinaca kalana u mahad celiyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay Xaflada.
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaa sheegay in maalinta beri ah uu soo magacaabayo dowladiisa waxaa uuna tilmaamay in muhiimada koowaad uu saarayo ka dhabeynta balanqaadyadii uu sameeyay markii uu waday olalaha doorashooytinka Somaliland, waxaana uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacan siiyaan dowladiisa.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Hargeysa waxaa ay hadal heynta ugu badan aheeydn xiliga madaxweyne Siilaanyo uu ku dhawaaqayo dowladiisa, waxaana goobaha dadka ay isugu yimaadeen la isku weydiinayay cida ka mid noqoneysa dowladda cusub ee Somaliland iyadoo dadweynuhu ay is weydiinayeen habar maka mid yahay iyo erayo kale.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment