Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo sheegay in DFKMG aanu qorshaha ugu jirin in ay wadahadal la gasho xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga DFKMG ah ee Soomaaliya Abuukar Cabdi Cusmaan Mardaadi ayaa sheegay in dowladda FKMG aanu qorshaha ugu jirin in ay wadahadal la gasho xarakada mujaahidiinta Al-shabaab.
Wasiirka oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da qeybteeda Afrika la hadasha ayuu ku sheegay in xarakada mujaahidiinta Al-Shaab ay ku jiraan liiska caalamiga ah ee waxa loo yaqaano argagaxisada iyagana aaney diyaar u aheyn in ay argagaxiso la macaamilaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay in la badalo Howlgalka ciidamada midowga Africa ee ku sugan Muqdisho oo loo badalo nabad dhaliyaal halka ay hadda ka yihiin nabad ilaaliyayaal isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid laga sugayo madaxda midowga Afrika.
Abuukar Cabdi Cusmaan Mardaadi ayaa markii uu qabanayay jagada Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga waxa uu dhowr jeer ku cel celiyay in aanu qorshaha ugu jirin in dagaal lagu xaliyo dhibaatada Soomaaliya.



del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment