Home | General | Cali dheere oo shir jaraaiid ku qabtey magalada muqdisho

Cali dheere oo shir jaraaiid ku qabtey magalada muqdisho

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Dheere oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shir madaxeedkii Midowga Afrika ugu soo gaba gaboobay magaalada Kampala iyo dagaaladii ka dhacay Puntland.

Cali Dheere ayaa ugu horeyn sheegay in shirkii Kampala ee Madaxda Afrikaanku ku yeesheen uu ku dhamaaday fashil, isla markaana aanay ka soo bixin wixii laga filayay.

"Shirkaas Afrikaanku ku yeesheen Magaalada Kampala fashil ayuu ku dhamaaday, wixii ay dad badan doonayeen kama soo bixin"ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in madaxda ka qeyb gashay shirkaas ay ku kala qeybsameen ajandayaashii shirka.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ay la kulmi doonaan ciqaab ka daran kuwa ay haatan la kulmaan Ciidamada Brundi iyo Uganda, isagoo dowladaha balan qaaday Ciidamada u jeediyay inay go’aankaas ka laabtaan.

Mar la weydiiyay dagaaladii ka dhacay deegaanka Gal-gala ee u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Wadaad diimeed lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam oo ah inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayuu sheegay in dagaalkaas aanay Shabaab ku lug laheyn, isla markaana waxa dagaalamay ay yihiin dadka deegaanka iyo Ciidamada Puntland.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet