Burcad badeda oo sii daayey markab laga leeyahay dalka turkiga
Burcadbadeed Soomaali ah ayaa maanta sii daayay markab sitay calanka Jasiiradda Malta oo laga leeyahay dalka Turkey iyo 21-shaqaalihiisa ah, kuwaasoo ay afduub ahaan u haysteen muddo afar bilood ah.
"Kabtanka markabku wuxuu noo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin siidaynta, sidoo kalena ay dhamaantood caafimaad qabaan," ayuu saxaafadda u sheegay Nilgun Yamaner oo ah qareenka shirkadda markabka iska leh maanta oo Khamiis ah.
Markabka oo aan la sheegin in madaxfurasho lacageed laga qaatay iyo in kale ayaa lagu magacaabaa MV the Frigia, waxayna kooxaha haystay ka qabsadeen meel ka baxsan biyaha badweynta India.
Shixnadda uu markabku waday oo gaaraysa 35,000-tonne ayaa wuxuu kasoo qaaday dalka Israel wuxuuna kusii waday dalka Thailand, waxayna sheegeen saraakiil u hadlay shirkadda markabka iska leh inay tiro saddex jeer ka badan la kulmeen burcadbadeedda markabkooda haystay.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment