“Mar uun Degmo ii dhaha,…Dhaha oo wada dhaha Degmada Toortooroooooooooow”
Beesha Gare oo guluf weyn ugu jirtay tan iyo intii ay dhacday
xukuumadii Milatariga ahayd ee uu horboodayay Maxamed Siyaad Bare in
ay degmo ku yeelato gobolka Barwaaqada badan ee Sh/Hoose ayaa maanta
oo Janaayo tahay 18/2010 Ururka Xisbul Islaam u aqoonsaday degmo
tuulada Toortoorow.
Riyada beesha Gare ayaad moodaa in beeshu ay geed gaaban iyo mid
dheerba ay u fuusho sidii maalin u heli lahayd deegaan aan cidi ku
haysan kadib kolkii beesha Gare ay quus kala kulantay Beelaha gobolka
gaar ahaan Beelaha Jiido,Begedi,Geledi iyo Shanta Caleemood oo sida ay
Beesha Gare iska dhaadhicisay ay deegaanadoodu wax ku leeyihiin sida
Degmooyinka Qoryoolay,Awdheegle,Afgooye iyo Wanlaweyn,
Hadaba hamiga waalan ee Beesha Gare ay ku doonaysay in ay degmooyinka
aan kor kusoo sheegay ay wax ku yeelato ayaa mar qura hawada ka baxay
ka dib kolkii beelaha Jiido,Begedi,Geledi iyo Shanta Caleemood ayqaab
siyaasadeed ay ku riixeen Beesha Gare.
Beesha Gare oo iyada mararka qaar sheegata inay ku abtirsiimo tahay
beelaha Hawiye si ay u gaarto ujeedooyinka guracan oo ay beesha ku
raadinayso inay gobolka wax ku yeelato ayaa hadana Beelaha Aw-Digil
waxay ixtiraam aan la koobi karin u hayeen Beesha Gare oo ay u
arkayeen inay tahay walaal ku waashay doonistiisa aan xuduuda lahayn
ee uu ku doonayay in uu gobolku wax uu kaga yeesho.
Inkasta oo aanay tani ahayn markii ugu horaysay ee Tuulada Tooratoorow
loogu aqoonsado Degmo ayaa hadana dabayaaqadii sanadkii 2007
Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada hoose waqtgaas C/qaadir Sheekh
Maxamed Nuur oo isagana kasoo jeeday Beesha Gare ayaa waxa uu
Toortooroow u magacaabey inay ka mid noqoto Degmooyinka Gobolka
Shabeellada Hoose hayeeshee hamiga gudoomiyaha iyo kan beeshiisa Gare
ayaa ugu danbayn noqday hal baaad lagu lisay kadib kolkii seaside
gobolka ay sal dhigan weyday
Hadaba degmadan iyada dadkeeda raba inay degmo ka dhigaan oo iyaduna
noqon la’degmo ayaa waxay Su’aali ka taagan tahay waxa hortaagan ee
diidan inay degmo noqoto Toortoorow?
Sida lawada garan karo ayaa waxaa hubaal ah kolka laga hadlaayo maamul
in si toos ah u soo baxayo dhaqaale larabo in maamulka lagu kala wado
si deegaan uu u noqdo degmana waxaa lama huraan ah inuu yeesho
deegaanka dhaqaale lagu maareeyo maamulka degmo oo ay degmadu noqoto
mid is bixin karta,Hadaba Tuulada Toortoorow ayaa waxay ku taalaa dhul
Saxaro u eg oo u dhexeeyo deegaanada Beelaha Afarta ah ee
Jiido,Begedi,Geledi iyo Shanta Caleen waxaana degan dad reer guuraa ah
oo xoola dhaqato ah inta badan sanadkana ka maqan tuulada kuna soo
urura halkaas xiliyada jiilaalka uu dheeraado si ay ugu soo dhowaadaan
deegaanada uu maro wabiga Shabeelle ay degmada Awdheegle ugu horayso.
Hadaba deegaan aan Dhaqaale,Istaraatiijiyad iyo nolol midna ka jirin
waxa degmo nimo loogu raadiyo ma waanay ka dhignayn “Mar uun Degmo ii
dhaha,…Dhaha oo wada dhaha Degmada Toortooroooooooooow”



del.icio.us
Digg
Comments (19 posted):
walaal manta hadalka kama taagno garre in ay yihiin dad kale ah dhiig ku jiro beelha aw digil oo dhan marka la eego waana wajib saran difaca dhulkiisa iyo dadkiisa baryo ma ahan ,beesha garre ma ahan beel yar sida beelaha kale aw digil waa beel leh adwood dhaqaale iyo xoog ,
mid kale sxb ma ahan sheegasho beesha garre qoryooley iyo awdhegle afgooye in ay degto taas mecnaheedana ma ahan in qof kale xaqiisa la xoogaayo magalooyinkaas beelaha aw digil waa ay wada degan wax dhibaato ah kama taagno ee sxb hadalka sii khaldan loo dhigo haa la iska ilaalil wajibka nasaran wuxuu yahay in aan hor marino dadkayna iyo deegankayna ,ma ahan in aan isku mashquulno anaga oo dadka kale naga faiidaystaan ,qofka wax fiican sameeyaa in aan dhahno mahadsanid .
beesha garre waxaan u jeedanayaa mahadnaq gaar ah waayo inta dagalada socdeen waxay ku dadaashy xaga wax barashada godaha iyo dibada manta iskuulka kali ah ka shaqeeya afgooye waxaa sameeyey oo madax ka ah garre ilaa qoryoley .arday badan soo saray
walaal marka hore waad salaamantihiin gabi ahaan marka hore waxaa ay su'aal ka taagantahay beesha garre waa la yaqaanaa waana beel weyn.
marka somaalida ayaa waxa tahay qofka xoogaa dhaqdhaqaaq bixiyaba waa la eedeeyaa marka beesha garre waa beesha kali iska difaacda cadowga marka loo eego beelaha kale ee dega g. sh. hoose.marka waxaa isweydiis mudan in ragga lafoole raba ineey degmo umagacaabaan waa rag doonaya ineey dhul qabsi sameeyaan marka hadal iyo dhamaantii waxaa loo baahan yahay in laga hadlo dhibaatada kasoo socota dhulkaas waana wax aan marnaba aan lugo loo sameeyn karin mahadsanadiin.
comments@daafeet.com mahadsanidin inta soo booqatey bogan iyo inta commentiga ka bixiseyba.
beesha garre waa beel weyn ma ahan somalia oo kali ah kees africa oo dhan waana dad fiican inta aan arkay mid kale haddii aan nahay dadka u dhashay gobolka sh/hoose in degmo laga dhigo janaale buulo mareer toortoorow buulo folaay .waxaan fiican in aan ka shaqayno wixii dantayna ku jiro
markaan akhriyayna waa yaabay oo wax kale lama yaabine horta gare goormow Digilmirif noqday?
Waxaan u leeyahay waxa laga hadlay waa dhulka digilmirif meel ka mid ah qoladuna waa Gare oo Hawiye ah marka sideey wax u jiraan, Ma dhulkaa Hawiye noqday mise Garaa digilmirif noqday,
bal walaalayaal jawaab iga siiya,,
Markaan jawaab helo ayaan ogaanaynaa inuu gare yahay nacas ama nin karmeed Qorax amz mugdi,Qumay ama beyxaaw.
ka baxay.
Post your comment