Somali Radio
Somali Linkz
Labada Shariif oo raba inay ka takhalusaan Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Raisulwasaarre Omar
Labada Shariif waxay guluf ugu jiraan in xilalka laga xayuubsho Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'isulwasaarre Omar,waxaana Mogadishu laga dareemayaa olole siyaasadeed ay wadaan saraakiisha siyaasadda ee Madaxweyne Shariif.
lacago loogu tala galay in la siiyo Ciidamadda iyo dhaqaalaha ka soo baxa dekadda Mogadishu ayaa la xaqiijiyay inuu Madaxweyne Shariif u adeegsanaa sidii xubnaha baarlamaanka xilka uga tuuri karaan Gudoomiye Aadan Madoobe xilli Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ku mashquulsan yahay lacag cusub sameeyn.
Seefta labada Shariif waxay wajiga hore dulsaaran tahay Gudoomiye Aadan Madoobe,waxaana Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Shariifka u xaqiijiyeen waagacusub in xilka Gudoonka baarlamaanka loo wado siyaasigga Mohamed Abdi Yusuf oo hada ka mida golaha baarlamaanka.
Marka xilka laga tuuro Gudoomiye Aadan Madoobe,waxaa sidoo kale baarlamaanka Federalka shaqada ka eryi doonaan Raisulwasaarre Omar kadibna waxaa Madaxweyne Shariif uu Raisulwasaaraha Somalia ka dhigayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Mohamed Abdi Yusuf wuxuu u dhashay beesha Daarood,waxayna labada Shariif ugu tala galeen inay ku miisaamaan hanaanka awood qeybsiga si Shariif Sakiin u noqdo Ra,isulwasaaraha Somalia.Labada Shariif ma jirto cid kaga awood badan baarlamaanka maxaa yeelay waxay ku leeyihiin 275 Xildhibaan oo ay iyaga rabitaankooda ku qorteen.Lama ogga waxay falayaan Aadan Madoobe iyo Omar Abdi rashiid hasse yeeshee dhaqaalaha badan ee lagu bixinaa xilka qaadistooda,wuxuu ku beegan yahay xilli Madaxweynaha ay doorashadiisii guusha ka soo wareegtay halsano,uuna ku nool yahay xaafad ka mida degmadda Wardhiigleey.Madaxweyne Shariif waxaa lagu xantaa inuusan ka raali ahayn in kooxaha ka soo horjeeda dowladda laga guuleeysto,sababtuna waxay tahay isagoo sii joogitaankooda u arko jaanis uu Caalamka uga helayo dhaqaale,ugana badbaadaa kacdoonka Culumaa;udiinka Ahlusuna wal jameeca.Beesha Caalamka waxaa laga yaabaa inay Madaxweyne Shariif kula taliso inuu xilka Madaxweynenimada iska casilo laakiin taas waxay imaan kartaa marka xoogaga Ahlusuna la wareegaan gacan ku heynta goboladda dhexe.Ahlusuna wal jameeca oo hore u qabsaday Beledweyne waxay iskaga baxeen markii Xildhibaano lacago badan ka qaaday Mogadishu ay kala furfureen Ciidamo beeleedyadii u dagaalamayay qadiyadda gobolka Hiiraan,wuxuuna Afhayeenka Ahlusuna Sheekh Abdi rahmaan AL QAADI ku eedeeyay Madaxweyne Shariif,Madaxweyne Shariif lama ogga sababaha ku qasbaa inuu dhabar jibin ku sameeyo Culumadda Ahlusuna oo ku guuleeysatay inay inta badan bartamaha Somalia ka saaraan xulufadda Al-Shabaab iyo Xisbul Aweys.Si kastaba ha ahaatee,Madaxweyne Shariif wuxuu hore uga qaaday xilal hogaamiyeyaal laga xusi karo Mohamed Osmaan Dhagaxtuur iyo Abdi Fitah Shaaweey,waxaana muuqato in sheekadu mareeyso KADAROO DIBI DHAL.Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (2 posted):
Post your comment