Home | General | Ciidamada Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo kusii qulqulaya Wadada Warshadaha.

Ciidamada Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo kusii qulqulaya Wadada Warshadaha.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ciidamada Dowladda federalka ku meel gaarka ah ayaa saaka soo buuxiyay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa fariisimo ka sameystay Warshadii hore ee Kabka, iyadoo la sheegayo in ay ku siqeen Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Dowladda oo ah kuwo xowli ku socda ayaa ujeedkooda yahay sidii Xoogaga Mucaaradka ay u waajihi laheyn, inkastoo dhaq dhaqaaqooda wali aanay ficil isu badalin.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay Ciidamo fara badan u dhaqaajiyey aagaga dagaalka, taasoo micnaheeda yahay sidii ay u kubaareyn lahaayeen goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga Hubeysan.

Culeyska aan qarsooneyn ayaa saaran Xoogaga Mucaaradka, kadib markii Dowladda Ciidamadii ugu badnaa dibada u soo saartay, kuwaasoo tababar dibada uga yimid, waxaana la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan Ciidamadan cusub.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet