Home | News | Degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud oo xaley bandow lagu soo rogey

Degmada caabudwaaq ee gobolka galgaduud oo xaley bandow lagu soo rogey

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Cabudwaaq ayaa habeenimadii xalay waxa ay degmadaasi ku soo rogeen Bandow kaasi oo soconaya 9-ka fiidnimo islamarkaana ku eg 6-da aroornimo sida uu sheegay Sheekh Mahad Qaliif oo ah taliyaha Ciidamada Saldhiga bartamaha degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. 

Waxa uu sheegay in bandowgaasi uu yahay mid lagu sugayo amaanka iyo nabad galyada islamarkaana Ciidamadu ay u garteen in waqtigaasi ay bandow ku soo rogaan inkastoo warar laga helayo maamulka dhaxdiisa ay sheegayaan in 9-ka Fiidnimo wixii ka dambeeya ay magaalada inta badan soo galaan dadka Maandooriyaha isticmaala kuwaasi oo shaki iyo amaan daro u horseedi kara magaalada sida ay sheegeen.  

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee si toos ah uga arimiya degmada Cabduwaaq aya waqtiyada qaar waxa ay magaalada ku soo rogaan Bandow kaasi oo ay ku micneeyeen in ay dareen shali ah qabaan. 

Waxaa sidoo kale waqtiyadii ugu dambeeyay Bandow noocaasi oo kale uu ka jiray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyadoo Maamulka Xeeb iyo Ximan 10-ka Fiidnimo waxii ka dambeeya ay magaalada ku soo rogaan Bandow kaasi oo la sheegay in waqtiyadii ugu dambeeyay uu halkaasi ka jiray. 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet