Somali Radio
Somali Linkz
Taliska Booliska dowladda FKMG oo magaalada muqdisho ka fuliyey howlgalo ay dad fara badan ku soo qabqabteen
Afhayeenka Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo u waramayay saxaafada ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalo Ciidamada Booliska ay maalmihii ugu dambeeyay ka wadeen qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu baarayay gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa BL-ka ee halkaasi isticmaala.
Waxa uu sheegay Afhayeenku in howlgaladaasi ay ku soo qabqabteen dad faro badan oo uusan cayimin tirada ay la egyihiin oo sitay hub sharci daro ah iyo qalab Ciidan isagoona sheegay hubkii lagu qabtay dadkaasi in lagu wareejiyay Ciidamada dowladda, waxaana uu sheegay in dadkii ay soo qabqabteen Ciidamada la soo taagi doono Maxkamada.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Gaashanle sare C/laahi Xasan Bariise waxa uu baaq u jeediyay Darawalada Gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa BL-ka ah kaasi oo ku aadan in ay ka foojignaadaan waxyaabaha ay saarayaan gaadiidkooda ee falalka amni daro loo adeegsan karo.Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment