Home | News | Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Ethiopia oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG ayaa maanta gudaha u galay Degmada Ceel Barde.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Ethiopia oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG ayaa maanta gudaha u galay Degmada Ceel Barde.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Ethiopia oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG ayaa maanta gudaha u galay Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Ceel Barde oo ay fariisimo ka sameysteen.

Sida ay soo sheegayan dadka deegaanka Ciidamada Ethiopianka ayaa ka soo gudbay xadka, kuwaasoo ay la socdaan saraakiil, waxaana ay durba dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen degmada Ceel Barde.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan Ethiopianka ay xoojin u yihiin Ciidamada Dowladda ee duulaanka ku ah Gobolada Bay iyo Bakool, hase ahaatee saraakiisha Ciidamada Dowladda ee goboladaas ayaa beeniyay in ay wehliyaan Ciidamo Ethiopian ah.

Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay u diyaarsan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen Goboladaas, waxaana uu beeniyay in taasi ay ku gacan siinayaan Ciidamada Ethiopia.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay howl gal wada jir ah ka sameeyeen, kuwaasoo ay ku qab qabteen dhalinyaro ka mid ah bulshada deegaanka oo ay qaarkood kala baxeen guryahooda

Xaalada degmada Ceel Barde ayaa haatan ah mid degan, inkastoo dadka deegaanka ay wal wal iyo cabsi ka qabaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo soo gelitaanka Ciidamada Ethiopianka ee deegaankaas.

Lama oga in soo gelitaanka Ciidamada uu qeyb ka yahay qorshaha duulaanka ay wado Dowladda FKMG iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee maalmahan ka jira magaalada Muqdisho, hase ahaatee mar jirto ilaa iyo hada mas'uul ka tirsan Dowladda oo ka hadlay soo gelitaankaas.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet