Home | News | Golaha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo soo dhoweeyey diidmada Dowlada Najeeriya ay diiday inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya.

Golaha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo soo dhoweeyey diidmada Dowlada Najeeriya ay diiday inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Golaha dhaqanka iyo Midnmada beelaha hawiye ayaa soo dhoweeyey hadalkii kasoo yeeray wasiirka arimaha dibada ee nayjeeriya ee ahaa inaysan ciidamo

usoo dirayn gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan Howlaha nabad ilaalinta ee ay wadaan ciidamada AMISOM taasoo uu wasiirku ku tilmaamay in gudaha wadanka soomaaliya aysan ka jirin wax la yiraahdo nabad oo la ilaalinayo.

Madaxa samafalka Golaha Dhaqanka beelaha Hawiye Sheekg Axmed Cali Gees oo maanta saxaafada ugu warmayayey magaalada muqdisho ayaa tibaaxay inay aad usoo dhoweynayaan hadalkii dhowaan kasoo yeeray wasiirka arimaha dibada nayjeeriya taasoo uu ku tilmaamay inuu yahay hadal dhaxal gal u ah bulshada soomaaliyeed isagoo xusay Axmed Cali Gees in xiligan oo ay gaysteen ciidamadii AMISOM xasuuq ka dhan ah shacabka aysan kuwo kale oo la keenaa waxba soo kordhin doonin waa siduu hadalka u dhigaye

Sidoo kale sh,axmed cali gees ayaa intaasi ku daray inay cambaaraynayaan duqaymaha ay ciidamada AMISOM ka geystaan gudaha magaalada muqdisho taasoo uu tilmaamay inay xasuuqayaan dadka shacabka ah oo markoodii horeba la ciirsanaa dhibaatooyin ay dhaxalsiiyeen dagaalada soo noqnoqda ee ka jira magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Madaxa samaflka golaha dhaqanka midnimada beelaha hawiye Sh/Axmed cali gees ayaa ugu dambayntii xusay inay dowlada jabuuti ee aan walaalaha nahay ay ka fiirsato shirqoolka loo maleegayo shacabka soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye ee ay wadajirka u yihiin dowlada shariif sh,axmed madaxweynaha ka yahay iyo ururka Midowga afrika.

Hadalka golaha dhaqanka midnimada beelaha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili uu wasiirka arimaha diabada ee nayjeeriya gaashaanka u daruuray inay kamid Noqdaan Ciidamada nabad ilaalinta ee loogu magac daray AMISOM.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet