Home | News | Duqeymo sababay dhimasho iyo Dhaawac oo maanta ciidamada Amisom ugaysteen Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Duqeymo sababay dhimasho iyo Dhaawac oo maanta ciidamada Amisom ugaysteen Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ilaa 4 qof ayaa ku geeriyootay 8 qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo jawaab u ahaa madaafiic lagu tuuray xarumaha Dowladda.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen rayid ay madaafiicdu kula dhacday xaafado ay ka mid yihiin Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho iyo Xaafado u dhow oo ay ka mid tahay Xaafadda Towfiiq .

Madaxa Hay'adda Life Line Afrika iyo NationLink Cali Muuse ayaa sheegay inay ka qaadeen xaafadahaas dhaawacyada 8-da qof, ayna kala gaarsiiyeen Isbitaallada Dayniile iyo Keysaney oo ku yaalla duleedyada Muqdisho.

"Intii aan ku jirnay howlaha aan ku daad-gureynaynay dhaawacyada waxaan aragnay dhimashada laba qof ee rayidka ah, kuwaasoo ay madaafiicdu dishay" ayuu yiri Cali Muuse oo saxaafadda uga warbixiyay khasaarihii nafeed ee ay arkeen.

Duqeynta ayaa timid kaddib markii xoogagga Dowladda kasoo horjeeda ay madaafiic ku weerareen xarumo ay ka mid tahay Madaxtooyada, waxaana duqeymaha noocan oo kale ah ay khasaaraha ugu badan kasoo gaartaa shacabka.

Madaafiicdan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan diyaargarow ay Dowladdu ugu jirto inay ku weerarto kooxaha kasoo horjeeda, iyadoo sidoo kalena ay kooxuha dowladda ka soo horjeeda iyana wadaan diyaargarowyo noocaas oo kale ah.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet