Xarakada Al-Shabaab oo maanta soo bandhigay hub iyo sarkaal ka soo goostay dowladda FKMG ee Soomaaliya.
Sarkaal lagu magacaabo Baashi Axmed Urur iyo hub uu watay oo gaaraya 50 qori oo nooca AK47 ah ayaa waxaa maanta Xarakada Al-Shabaab ku soo bandhigay Xeradii hore ee Guulwadayaasha oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Baashi Axmed Urur oo ah sargaal sida uu sheegay kana soo goostay dowladda FKMG ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada dowladda FKMG ee ku sugnaa Warshadii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir isagoona shaaca ka qaaday in saraakiil uu ku jiro iyo ciidamo kale oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray wadanka Jabuuti ay go’aansadeen in ay isku soo dhiibaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo isna saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiinayn ciidamada iyo saraakiisha isku soo dhiibta islamarkaana qaarkood tasiilaad ay siiyaan qaarna ay dagaal kala horjeestaan dad uu ku tilmaamay cadow sida uu hadalka u dhigay isagoona ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda in ay isasoo dhiibaan.
Sheekh Cali Max’eedc Raage Afhayeenka dhaq dhaqaaq Al Shabaab waxaa uu sheegay in dowlada FKMG inta aysan weerar soo qaadin iyagu ay ku duuli doonaan isagoo sheegay in dagaaladii xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qaadeen xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Soo bandhigida Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo bandhigeen hubkaan iyo sarkaalkan ka soo goostay dowladda FKMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan, abaabulo dagaal iyo hadalo kulul ay ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dowlada FKMG ee Soomaaliya.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment