Home | News | Afhayeenka Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo maanta booqday xaruntii hore ee baarlamaanka oo haatan ay ka socdaan howlo lagu dayactirayo.

Afhayeenka Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo maanta booqday xaruntii hore ee baarlamaanka oo haatan ay ka socdaan howlo lagu dayactirayo.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Afhayeenka BFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Aadan Madoobe)ayaa maanta booqday xaruntii hore ee baarlamaanka oo haatan ay ka socdaan howlo lagu dayactirayo.

Gudoomiyaha Gudiga loo xilsaaray dayactirka xarunta Baarlamaanka Xildhibaan Axmed Diiriye ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Afhayeenka Baarlamanka sida ay u socdaan howlaha lagu dayactirayo dhismaha Baarlamaanka oo bur bur lixaad leh ka soo gaaray dagaaladii sokooye ee ka jiray dalka Soomaaliya.

Sheikh Aadan Maxamed Nuur Afhayeenka Golaha Baarlamanka ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo Indha indheeyay qeybaha kala duwan ee xarunta iyo habsami usocodka howlaha dayactirka ee ka socda Xaruntii hore ee Baarlamanka Soomaaliya.

Afhayeenka oo isla xarunta dayactirka ka socda kula hadlay Saxaafad ayaa Sheegay in howsha socota ay tahay mid muhiim iyo mustaqbalbana u ah Shacabka iyo Baarlamanka Soomaaliyeed islamarkaana loo baahanyahay in si wada jir ah looga qeybqaato dhamaystirka dhismaha xarunta.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in booqashadii tan ka horeysay ee isagu uu ku tagay Xarunta Golaha shacabka iyo haatan uu farqi weyn u dhaxeeyo marka loo eego bilicda haatan ka muuqata xaruntaasi, maadaama wax badan oo howlo ah laga qabtay.

Afhayeenka Golaha Baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa isagu maanta gacantiisa kaga qeybqaatay howlaha dhismo ee xarunta guriga ummada isagoo sakeelo caro iyo Shamiinto ah u daray shaqaalihii halkaasi ka howlgalay taasi oo muujinaysa Muwaadin nimada iyo sida uu ugu heelanyahay dib u dhiska Xarunta Golaha Shacabka.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ka socda howlo dayactir aad u ballaaran oo lagu soo celinayo bilicdii ay la heyd xaruntaasi iyadoo haatan qeybo farabadan oo xaruntaasi kamid ah wax weyn laga qabtay.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliayay dhamaan qeybihii ku howlanaa dayactirka Xarunta iyo sida wanaagsan ee u gudanayaan Shaqada loo xilsaaray, isagoo ugu baaqay in cidkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah ay gacan ka geysato dayactirka ka socda Xaruntii hore ee Baarlamanka islamarkaana Shirkadaha Xawalaadaha kuwooda ugu waaweyn laga furay Accoun ay ku soo hagaajinkaraan wixii ay ugu tala galeen sida Dahabshil, Qaran, iyo kuwa kale.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet