Ciidamada Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya oo isaga soo baxay aaga dagaalka kadib.....
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan aagaga Dagaalka oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowlada FKMG iyo Mucaaradka Islaamiyiinta ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ciidamadii Dowlada ee horay loogu soo tababaray Jabuuti iyo Ugandha ay ka baxeen aagaga Dagaalka ee Waqooyiga Muqdisho.
Ka Bixitaanka Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka debase kadib kolkii Qilaaf aad u Xoogan uu soo dhexgalay iyaga iyo Maleeshiyo Beeleedyo ay isku Hayb yihiin Madaxweyne Shariifka oo halkaasi horay ugu sugnaa.
Warar kale ayaa iyana shaagay in Qilaafkan uu yimid kadib Markii Maleeshiyaadka ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisho ay diideen in Ciidamada la isku dhafo, taasi oo ay ka Biyo Diideen Saraakiishii Wadatay Ciidamadaasi, ayaga oo ku dhaliilaya Maleeshiyaadkaasi in Dagaalka ay dib uga soo laabtaan.Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Ciidamadan ay ka soo horjeesteen in ay dagaalka kala qeyb galaan maleeshiyaadka, iyagoo u arkay in ay fashiliyaan duulaankooda qorsheysan.
Si loo qaboojiyo arimahan ayaa qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowlada uu horkacayo Col. Gacma Duule ay soo kala dhexgaleen, haatana la wado waan waan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen aagaga Dagaalka Ciidamadii ka soo baxay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaadkaas ay ku xireen shuruud in ay baneeyaan aagaga, iyagoo dalbaday lacago, ay ku tilmaameen xaqooda iyo mudadii ay difaaca ku jireen,
Ciidamada cusub oo ah kuwa labisan dareysk tuuto isku mid ah ayaa ahaa kuwo ay u dhan yihiin qalabkooda, waxaana wax badan ka badalan yihiin hab dhaqanka maleeshiyaadka oo aan wadan wax dareys ah.
Lama oga sida Dowladda FKMG wax uga qaban karto caqabadaha cusub ee soo food saaray, tiiyo maleeshiyaadkan ay ahaayeen kuwo inta badan jilbaha dhulka u dhigayay weeraradii ay soo qaadayeen Xoogaga Hubeysan bilihii la soo dhaafay.
Dhanka kale Sheekh Fu'aad Maxamed Khalafka Alshabaab ayaa Khudbad uu xalay ka jeediyay Masaajidka Dabaqeynka waxaa uu si kulul u weeraray Jen. Galaal oo uu ku sheegay nin horay dagaal kula jiray Islaamka
Sarkaalkani ayaa waxa uu ku tilaamay ama sheegay in lagu tabayo waxa uu ugu yeeray Galaal Mujaahidiin badan uuna yahay cadowga islaamka.
Arintani ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Xisbul islaam ayaga oo sidoo kale Ridiyay Galaal ama ku tilmaamay in uu ridoobay waa sida ay hadalka u dhigeen.
Sheekh Salmaan Sahal Muuse oo ah Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbul Islaam ayaa isna ku tilmaamay Jen. Galaal nin horay u ridoobay, isla markaana uu markiisa horeba uu dagaal kula jiray Islaamka.
Arintani ayaa waxay ku soo Beegmaysaa ayada oo jananka uu Xeelad Dagaal u Joogo Gobolkaasi si uu Tilmaan Milatari u siiyo Ahlusuna Waljameeca oo Dagaal kula jirta Shabaab iyo Xisbul islaam.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment