Beesha Hubeer oo Hubkeedii Ku Wareejisey Maamulka Alshabaab ee Bay iyo Bakool.
Beesha Hubeer oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Bay ayaa Hub culus iyo mid fudud ku wareejisey Maamulka Xarakda Alshabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool,waxaana Hubkaas la wareegey Maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin.
Beesha Hubeer oo degta Deegaanka Xawaal Barbaar ee ka tirsan Gobolka Bay ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay Waxgaradkoodu kulamo la yeelanayeen Maamulka Alshabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool,waxana ugu dambeyntii ay Beeshu go’aan ku gaartey inay Hubkeeda ku Wareejiso Maamulka,waxana Xafladda Hubkaas lagula Wareegayo lagu qabtey Magaalada Baydhaba ee Xarunta u ah Gobolka Bay.
Sheekh Mahad Cumar C/kariin oo ah Guddoomiyaha Gobolada Bay iyo Bakool ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab oo ka hadlay xafladdii Hubka lagu wareejinayo layaa sheegay in Hubka ay ku soo wareejiyeen Beesha Hubeer loo isticmaali doono dagaalada lagula jiro Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda ee ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho,wuu sii hadley oo wuxuuna yiri waxa jira Beelo kale oo diyaar u ah inay qaadaan tallaabada ay qaadatey Beesha Hubeer.
Ugaas Aadan Salaad oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Beesha Hubeer oo kulanka Xafladda ka hadley ayaa sheegey inay ku faraxsan yihiin Hubka ay ku Wareejiyeen Maamulka Islaamiga ee Bay iyo Bakool,wuxuna yiri Hubka uguma wareejinin inay dadka ku dhibaateeyaan ee waxaan dooneynaa in dalka looga saaro Ciidamada Shisheeyaha iyo Dowllad ku sheegga Dabadhilifka ah,sida uu hadalka u yiri.
Ugu dambeyntii saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegey in Hubka ay ku soo wareejiyeen Beesha Hubeer uu ka kooban yahay 11 Qori ee nooca loo yaqaanno Dabajeexa(PKM), Gaari nooca dagaalka, Rasaas isugu jira kuwa culus iyo kuwa fudud iyo Qoryaha loo yaqaanno Baasuukayaasha,waxaana Xafladdan Hubka lagu wareejiyay ayaa ku soo beegantay maalmo ka hor Markii madaxda Maamulka Alshabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool ay ku dhawaaqeen in Beelaha dega Gobolada Bay iyo Bakool ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho islamarkaana difaacaan Gobolada Bay iyo Bakool.
Beesha Hubeer ayaa noqotey Beeshii ugu horreysa ee ka jawaabtey baaqa ay soo saareen Maamullada Xarkada Shabaabul Mujaahiddiin ee Gobollada Bay iyo Bakool kaas oo ahaa inay Hubkooda Maalkooda iyo naftooda la garab istaagaan Jihaadka lagula jira Dowlladda iyo Ciidamada AMISOM,sida ay sheegeen.



del.icio.us
Digg
Comments (4 posted):
Post your comment