Home | General | Madaxwaynaha Dowladda FKMG Sheekh Shariif oo ku baaqay in laga hortago kuwa uu sheegay iney diinta si qaldan u fasiray

Madaxwaynaha Dowladda FKMG Sheekh Shariif oo ku baaqay in laga hortago kuwa uu sheegay iney diinta si qaldan u fasiray

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Madaxwaynaha Dowladda FKMG ee Soomaliya Sh. Shariif Sh Axmed ayaa mar kale ka hadlay halista kooxaha ka soo horjeeda Dowladda uu madaxda ka yahay, isagoo sheegay in ay ku sugan yihiin xaalad khatar diimeed ah maadaama buu yiri ay banneysteen dhiigga muslimiinta, hantidooda taas oo uu ku tilmaamay meel ka dhac wayn oo dhinaca diinta Islmaalmka loo geesanayo

Sh. Shariif ayaa tilmaamay kooxaha kasoo horjeeda ay diidan yihiin wada hadal iyo waddo kasta oo nabad lagu gaari karo si shacabka looga samatixiyo dhibaatada ay ku jiraan, isagoo ugu baaqay Soomaalida in Dowladda gacan siiyaan si meesha looga saaro wax uu ku tilmaamay kuwa dhiiga dadka xalaaleystay.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay muhiimada dowladda ay siineyso wada hadalka iyo dib u heshiisiinta, isagoo culumada Soomaaliyeed iyo wax garadka ka codsaday kaalintooda ay ka qaataan sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Soomaaliyed ee sida qaldan wax loogu sheegyo, halisna ku ah dalka iyo dadka

Comments (1 posted):

dfdoow2003@hotmail.com on 19 February, 2010 07:36:12
avatar
waa wareersantahay sh wadanka itoobiya malahan anaga ayaa leha wadanakana xakha ayaa lagu xukumaayaa mujaahidiinta ayaan ku xukumayaan iyo muslimiinta oodhan khadiydaada waa yartahay yugaandhees ina uu gumaado adaa usab ah gacanteenaan kuma khabato waxaan kaarbanaa 36dowlad oo ameerikaan uu hogaaminayaayo xabad ayaan na kubixiney wadanka inuu kala go go ayaadrabataa sida aan khayaasaayo khudbada aad kuhadleysidna waa laguu soo akhriyaa nin laxukuma ayaa tahay waana wadankaaga kuxisaantan taas ayadana xakha lakiin maalin ayuu soo af baxaayaa sh

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet