Home | News | Ahlu-Sunaha Muqdisho oo maanta soo dhoweeyay Gudoomiyihii hore ee Ahlu-Sunaha Gobolada Dhexe.

Ahlu-Sunaha Muqdisho oo maanta soo dhoweeyay Gudoomiyihii hore ee Ahlu-Sunaha Gobolada Dhexe.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kooxda Ahlu-suna Waljamaaca garabka Muqdisho ayaa maanta xaflad soo

dhowayn iyo kala xaal qaadasho ah u sameeyay Madaxii hore Ahlusuna

Wal-Jamaacada gobolada dhexe Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo soo

gaaray magaalada Muqdisho

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Naasahablood ayaa hadalo soo dhoweyn

waxaa ka jeediyay Sheekh C/qaadir Soomow oo isagu ku hadlayay magaca

Ahlu-Suna ee Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in Ahlusuna aanay kala

maarmayn kalana maqneyn, isla markaana uu u yimid Sheekh Cumar Sheekh

Maxamed Faarax Gudoomiyihii hore ee Ahlu-sunada gobolada Dhexe.

Shiikh Soomow oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu digniin u jeediyay

Ahlu-Sunaha gobolada dhexe oo iyagu DFKMG ah ee Soomaaliya Heshiis

qarsoodi ah kula jira Magaalada Adis-Ababa.

"Waxaan ka digeynaa heshiis ku sheegyada ay dowladda la gashay kuwo

sheegta Ahlusuna, waxaan soo dhoweyneynaa Midnimada Ahlusuna meel

kasta ay joogto, iyo dhex dhexaadinta ka socota Nairobi ee ay wadaan

Asharaafteena"ayuu raaciyay Shiikh Soomow.

Dhankiisa Gudoomiyihii hore goboalda dhexe ee Ahlusuna Sheekh Cumar Shiikh

Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay maanta is

arkaan dad ay horay u kala maqnaayeen, isagoo ugu sheekeeyay culimadii

ka soo qeyb gashay kulanka soo dhoweynta halganka ay soo galeen iyo

meesha uu hada ku socdo.

Sidoo kale ayaa shiikhu a sheegay kulanka inuu la kulmay sedexda masuul ee dalka ugu sareeya oo kala ah Madaxweynaha dowladda FKMG Shariif Sheekh Axmed,Afhayeenka BFKMG Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada FKMG Cumar C/rashiid kalana hadlay arimaha Wadahadalada labada dhinac isagoo sidoo kalenawax laga xumaado ku tilmaamay in wixii ay shalay

dhiigooda u daadiyeen inuu ahaa Mansabd siyaasadeed oo kaliya ay

raadsanayeen waxa uu ugu yeeray wasiiro iyo agaasimayaal, isagoo si

gaar ah ugala jeeday Shirkii Ahlusuna iyo Dowladda heshiiska ku

gaareen magaalada Addis Ababa.

"Libaax hadaad aheyd inaad u hilowdo inaad dawaco noqoto waa nasiib

daro, wixii shalay ee aan dhiiga ku daadineynay ee mashaa'ikhdii ahlu

beydka aheyd ay ugu shahiideen, in maanta mansab iyo kuraas dowladeed

oo muddo kooban kaliya ay dhaceysa inaan qaadano aad baan uga

xunahay"ayuu yiri Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo ka soo jeeda degmada

Ceelbuur.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay yihiin Hogaamiyeyaal ruuxi ah, isla

markaana aanay habooneyn in ay qaataan xilal ku ek mudadooda bilooyin

oo uu ugala jeeday jiritaanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay

in ay iyaga yihiin kuwii sixi lahaa dowladda oo boqolaal sano hada

dhiman talada

Comments (1 posted):

Abdulaziiz Atl on 23 February, 2010 06:29:18
avatar
Waa yaab Abgaal iyo Murusade oo ahlusuna isla ah oo diiday heshiiska dowlada ay la galeen Hawargidir iyo Dir iyana isku ahlusunah ah.......
Yaabka yaabkiis...Xishooda hawiyow Soomaali way idiin aragtaaye!!!!!

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet