Gudoomiyaha gobolka Bari oo sheegay in uu Shareecada Islaamka la isku dhaqi doono
Gudoomiyaha cusub ee gobalka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo ka hadlayay kulan uu kula wareegayay shaqada ayaa shaaca ka qaaday in uu wax kasta oo ku saleyn doono Shareecada Islaamka, isla markaasna waxyaabah dadka u dhaxeeya oo dhan lugu xalin doono luguna wajihi doono arrimaha Shareecada Islaamka.
Gudoomiyaha gobalka Bari ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay la wareegida shaqadan, isla markaasna wuxuu sheegay in uu la imaan doono arrimo badan oo waxqabad ah oo ay ugu horeeyaan nabad la dhex dhigo dadka gobalka Bari oo dhan, isagoo ku baaqay in wax kasta laga hormariyo amaanka sugidiisa.
Sheekh C/xaafid wuxuu sheegay in hadii uu qaldamo la saxo, isla markaasna aan loo sacab tumin isagoo qaldan, loona baahan yahay wax kasta oo qaldan in laysku sheego, oo Masuuliyada loo dhiibay tahay mid adag.
Waa Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Puntland ah oo sheega in uu Shareecada Islaamka, ku dhaqamayo, waxaana Sheekh C/xaafid uu ka mid ahaa culumada magaalada Boosaaso, ee dadka ugu baaqa in ay xaqa raacaan, oo ay xumaanta ka fogaadaan.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment