Somali Radio
Somali Linkz
Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Xisbul Islaam
Ururka Xisbul Islaam oo lugu tiriyo in uusan laheyn mawqif cad oo siyaasadeed, ayaa la sheegay in uu soo kala dhexgalay khilaaf adag, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) la midoobay dhaqdhaqaaqa alshabaab, isla markaasna Hogaamiyaha Xisbul Islaam bilaabay hadalo aflagaado umuuqda oo uu dusha uga tuuray Xasan C/laahi Xirsi.
Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa u magacaabay booskii uu ka tagay Sheekh Xasan Turki, Axmed Madoobe Islaam, oo ay Al- Shabaab ka sareen gobalada Jubooyinka, isla markaasna la rumeysan yahay in uu taageero ka halayo dawladda Kenya, inkastoo uu beeniyey isagu, oo uu sheegay in ay dadka deegaanku gacan siinayaan.
Khilaafka xoogiisa ayaa bilowday wixii ka dambeeyey Jimcihii markii Hogaamiyaha Xisbul Islaam, uu masaajid dhexdiis erayo Aflagaado xambaarsan dusha kaga tuuray Sheekh Xasan C/laahi Xirsi, taasoo keentay in maamulada gobalada ay joogaan Xisbul Islaam ay qaarkood la midoobaan Al- Shabaab iyo in ay jawaabo adaf ka bixiyaan.
Masuul sare oo ka tirsan Maamulka Gedo ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in uu hogaamiyahoodu fashilmay, markii uu masjid dhexdiis Aflagaado uga jeediyey mid kamid ah halbowlayaasha dagaalada looga soo horjeedo AMISOM iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa ku eedeeyey Xasan Daahir Aweys, in aysan hadalkiisa ka marmeyn erayo qabyaaladed, isagoo Hogaamiyaha 75 sanno jira ku sheegay mid ka shaqeynaya wali howlaha qabyaalada.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment