Home | News | Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta guriga 10 Down Street kula kulmay Ra'isulwasaaraha Britain.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta guriga 10 Down Street kula kulmay Ra'isulwasaaraha Britain.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ra`isul wasaaraha dalka Ingiriiska Gordon Brown ayaa maanta ku qaabilay guriga 10 Down Street ee magaalada London wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee xal loogu heli karo arimaha murugsan ee Soomaaliya iyo weliba sida ugu haboon ee ay dowlada Ingiriiska u taageeri lahayd dowlada taagta daran ee uu Shariifku ka yahay Madaxweynaha.


Intii uu kulanku socday ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu codsaday in dowladiisa la siiyo taageero si ay ugu soo celiyaan Soomaaliya amni iyo kala dambeyn.

Wafidga madaxweynaha ayaa kulanka Brown kadib la kulmay sidoo kale wasiirka arrimaha dbadda dalkaasi David Miliband, waxayna ka wada hadleen xaalada Somaliya iyo waxa u qabsoomay dowladiisa.

Sidoo kale ayaa wafdiga Madaxweynahu waxa uu Guriga Baarlamaanka Ingiriiska kula kulmay wafdi ballaaran oo qaabilsan iskaashiga caalamiga iyada oo wafdiga dhinaca ingiriiska uu hoggaaminayey Wasiir Muslim ah, dhanka kalana ay ka soo qayb galeen xildhibaanno ka socda xisbiga Mucaaradka.

Madaxda dowladda Ingiriisku waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay diyaar buuxa la yihiin gacan siinta dowladda Soomaaliya iyaga uu ku yri, “waan ku garab taagan nahay maxaa yeelay gacan siinta dowladdaada waa arrin sax ah oo xaq ah, danta dalkayaga ayaana ku jirta in aad ka guulaysato argagixisada.

Kulankaas kaddib, Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Xarunta aqoon is weydaarsiga ee Chatham House, Halkaasina ay su’aalo ku weydiiyeen dadkii kasoo qaybgalay kulanka oo isugu jirey aqoon yahano Soomaali ah iyo kuwo ajnabi ah.

Kulamada Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ahaa kuwo aad u kookooban ayaa hadana waxaa kulan taariikhi ah ahaa kulankii ay wafdigu la yeesheen Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska kaasi oo noqonaaya kii ugu horeeyay ee Ra’isul Wasaaraha Britain xafiiskiisa ku qaabbilo Madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo markii Maadaxweyne Maxamed Siyaad Barre, ay la kulantay Ra’isul Wasaarihii Britain, Margaret Thathcher

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la qaadandoona mas’uuliyiin reer Ingiriis ah iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ingiriiska.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet