Somali Radio
Somali Linkz
Booliska Gobolka Mudug oo wada Hawlgalo amaanka lagu xoojinayo
Ciidamada Amaanka ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay habeenadii uga danbeeyey wadeen hawlaglo ay kusugayaan amniga Magaalada Gaalkacyo,waxaana habeenkii wadooyinka waaweyn &kuwo yar yar ee xaafadaha dhexdooda ah lagu arkayey Ciidamo u koox koox ah oo lug &gawaariba ku maraya Xaafada Gaalkacyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug C/lle Sare,Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa sheegay in Hawlgaladii ay sameeyaan ay u soo qabqabteen dad badan oo lagu tuhun san yahay inay amaanka wax u dhimayaan,wuxuuse taliyuhu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay soo gacanta ciidankiisu ku hayaan.
Muuse Xasaasi wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan Howgalo ay sameeyaan Ciidanka Nabad Sugida ee Gobolka Mudug,kuwaas oo uu sheegay in ka qeyb qaadanayaan ka hortaga wax kasta oo dhibaato u keeni kara amniga gobolka Mudug oo hada Xasiloon.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment