Home | General | Xildhibaan Xasan Abshir faarax oo warbixin ka bixiyey joogitaaanka ey joogaan puntland

Xildhibaan Xasan Abshir faarax oo warbixin ka bixiyey joogitaaanka ey joogaan puntland

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dhowr jeerna Wasiir kasoo noqday DFKMG ah isla markaasna hogaaminaya Xildhibaanadan ayaa si toos ah uga warbixiyey Joogitaankooda Puntland,wuxuuna sheegay in ay Puntland u yimaadeen Xalinta Khilafaadyo yar yar oo mu dhexeeya Puntland iyo DFKMG ah.

Xasan Abshir wuxuu intaas ku daray in maalmihii lasoo dhaafay uu kulamo la lahaa Golayaasha Dawlada ee Puntland,isla markaasna ay kulan la qaateen Golaha Wasiirada,Golaha Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayna isku afgarteen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay ugu muhiimsanaayeen in dib loosoo celiyo xiriirkii u dhexeeyay Dawlada Dhexe iyo Maamulka Puntland.

"Dawlada Puntland waa maamul ka tirsan DFKMG ah waxyan diyaar u tahay inay la shaqeyso dawlada dhexe,waxayna ogol yihiin inay dawlada dhexe la shaqeeyaan ayna siiyaan xaqeeda sidoo kalena ay ka helaan Xaqa ay ku leeyihiin Dawlada dhexe,marka hada waxaa jiray madmadow u dhexeeyey laba dhinac tan iyo intii uu jagada qabtay madaxweyne Shariif hadana meel wanaagsan bay wax noo marayaan waxkastana diyaar ayey u yihiin"Ayuu yiri Gudoomiyaha Wafdiga Baarlamaanka ah ee Puntland kusugan.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Dawlada dhexe ay soo dirtay ayna wax ka ogtahay Joogitaankooda,wuxuuna meesha ka saaray warka sheegaya in uusan Gudoonka Sare ee Baarlamaanku waxba kala socon joogitaankooda,sidoo kalena wuxuu tibaaxay in beesha caalamku ay waxbadan ka ogtahay imaanshahooda.

"Anagu Dawlada dhexe ayaanu matalaynaa,waxaanuna isku xilsaarnay in aanu dhamayno waxyaabaha jira,Madaxda sare ayaanuna la socodsiinay safarkayaga,Beesha Caalamka ayaana wax kala socota oo xataa kharashaadka aanu xagaan ku nimid beesha Caalamka ayaa bixisay"Ayuu yiri Xasan Abshir mar uu meesha ka saaray wararka sheegaya in aysan Dawlada dhexe ma talin.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet