Home | News | Fadeexad gaamurtay oo dibada usoo baxday!

Fadeexad gaamurtay oo dibada usoo baxday!

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Xafiiska hanta dhowrka guud (Office of Accountability and Foresic Audit) ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta iyo meel marinta howlaha ay fuliyaan dhamaan Hay’adaha hoos yimaada ayaa muddo dheer wuxuu waday baaritaan lagu sameeyey habsami u socodka howlaha cuntada loo diro Soomaaliya.

Eedaymo badan oo horay uga yimid dhinaca Soomaalida ayaa lagu sheegay in cuntada loogu tala galay dadka ku dhibaatsaysan gudaha dalka Soomaaliya ayan gaarin inteeda badan.

Eedaymahan ayaa sidoo kale lagu sheegay in cuntooyinka deeqaha ah suuqa lagu gado si bareer ah, halka kumanaan Soomaaliyeed ee macluul la il daran aan la gaarsiin deeqdaas.

Xafiiska hanti dhowrka (office of Accountability and Foresic Audit) ayaa baaritaan dheer ku suubiyey sadexda shirkadood ee lagu tuhmay lunsashada cuntada WFP oo kala ah:

a) Abdulkadir Eenow

b) Abukar Omar Adaani

c) Mohamed Deylaaf

Baaritaankaas ayaa lagu cadeeyey inuu jiro xiriir u dhexeeya madaxda WFP ee Nairobi fadhigoodu yahay iyo shakhsiyaadka Soomaalida ee kor ku xusan. Sidoo kale, waxaa lagu cadeeyey in ay cuntada u gudbiyaan mucaaradka Dowladda la dagaalamaya. Abukar Omar Adaani iyo Eenow ayaa taageera Al-Shabaab, halka Deylaaf-na la sheegay inuu taageero Xisbul Islaam.

Warbixinta la helay ayaa lugu eedaynayaa in ay WFP dadka ay siiso raashinkeedu yahay, mid ay mudo dheer ku hayaan bakhaaradeeda kuyaala Soomaaliya, ka dibna loo gudbiyo gacmo Soomaali ah, oo aan lugu kalsooneyn, kuwaas oo ay sheegtay Warbixintu in ay ka gataan shaqsiyaad Soomaali ah oo ganacsato ah.

Ganacsatada qaadata in ay qeybiyaan Raashinka ayaa hela amarka qeybinta waqtiyada ay da'ayaan roobabku, oo ay soo go'ayaan dalagyadu, sida lugu sheegay Warbixinta, taasoo oo sababta keentay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay WFP ka cayriyaan meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale lacagaha lasiiyo Soomaaliya ayaan ka marneyn warbixinta, iyadoo lugu qoray qeyb ka mid ah Warbixinta in lacagaha lasiiyo Soomaaliya, aysan noqon kuwa loo qoondeeyo sidii loo baahnaa, isla markaasna ay dhacdo in qolo kastaa si iskeed ah umaamusho.

Dhinaca kalena Madaxda ilaa dadka ugu hooseeya ee dawladda FKMG ah ayaa lugu eedeeyey in ay qeyb wanaagsan ka qaateen xaalad xun oo ka jirta Safaaradaha dalalka Africa qarkood, gaar ahaana lacagaha iyo deeqaha Waxbarasho eelasiiyo dawladda FKMG ah ayaa la sheegay in ay gacanta ugalaan shaqsiyaad, ka dibna ay shaqsiyaadkaas iibsadaan dalkugalada lasiiyo, dalalkuna ugu talagaleen in Waxbarasho loogu diro dadka Soomaaliyeed.

Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa lugu sheegay Warbixinta in ay gateen Dalkugal ama (VISA), taas oo loogu talagalay shaqsiyaadka raacaya Madaxda dawladda FKMG ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale la rumeysan yahay in lacagaha dawladda FKMG ah ay xubnaha dawladdu dhigtaan bangiyada Soomaalida.

Lacagaha lasiiyo dawladda FKMG ah ayaa lugu eedeeyey shaqsiyaadka ay gacantooda galaan in aysan ka soo laaban, oo ay ku sii shubtaan bangiyo ay leeyihiin, oo kuyaala dalalka qaarkood, iyadoo arrintaasna lasheegay in ay hor istaagtay lacago lasiiyo dawladda FKMG ah ee Soomaaliya.

Gudigu waxa ay kaloo ku qoreen qoraalkooda, in ay aad uga walaacsan yihiin lacagaha lasiinayo dawladda FKMG ah ee galaya gacanta shaqsiyaad gaar ah, kuwaas oo ayana usii dirsanaya Akoono ay gaar uleeyihiin,

Fadeexadan lugu helay WFP iyo dawladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaanay waxba katagin

Sida baaritaanka ku cad Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa Dubai kula kulmay xaaska Abdulkadir Eenow, Marwo Khadija Osoble oo leh Hay’adda ugu weyn ee cunada qeybisa Gobolka Banadir. Baaritaanka ayaa lagu xusay inkasta oo an la cadeyn in ay Haweeneydu u dhiibtay Sharif Hassan Sheekh Aadan lacag dhan $100 kun oo dollar si uu uga dhaadhiciyo Madaxweyne Sharif inuu qoro warqadda. Jariidadda New York Times, ayaa qortay 03/10/2010, maanta in Madaxweyne Sharif uu qoray warqaddii taageerada ahayd isla bishaas September 2009 ee baaritaanka ku xusan.

“In September, Somalia’s president, Sheik Sharif Sheik Ahmed, wrote a letter to Secretary General Ban, defending Mr. Nur as a “very conscientious, diligent and hard-working person” and saying that if it were not for the contractors, “many Somalis would have perished.” Jeffery Gettleman, New York Times. Sidoo kale Madaxweynaha Gabon Ali Bongo oo ah madaxa security council bishan oo aad uga carooday musuq maasuqa ay taageerayaan madaxda Soomaalidu ayaa yiri: ““We have to tell these folks that you cannot go on like this — we know what you are doing, you can’t fool us anymore, so you better stop,” said President Ali Bongo Ondimba of Gabon, who was at the United Nations, where his country holds the presidency of the Security Council this month.


Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ayaa kolkii uu la qeybsaday dowladda Mareykanka baaritaankiisa una cadaatay fadeexada ayaa waxay taasi sababtay in Dowladda mareykanku joojiso taageeradii WFP Soomaaliya iyo taageeradii TFG dhinaca dhaqaalaha (Feb 20, 2009), house foreign relations hearing.

Warbixinta oo si official ah loo shaacin doono ayaa waxaa ku cad laba arrimood:

a) In Ganacsato Soomaaliyeed inay lunsadeen cuntadii loogu talo galay dadka tabaalaeysan

b) In Madaxda Soomaaliyeed lug ku leeyihiin, una sahlayaan ganacsatada khayaamada ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Bishan March ayaa la qaadi doonaa talaabooyin isugu jira ku dhawaaqid maxkamadeed, ganaax iyo soo celin hanta faro badan oo lagu ciqaabi doono shakhsiyaadii lagu helay musuq maasuqa.

 



Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet