Somali Radio
Somali Linkz
Alshabaab iyo xisbul islaam oo mar kale wadahadalo uga furmeen deeganka ceelasha biyaha
Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa xalay saqdhexe gaaray Deegaanka Ceelasha biyaha oo fariisan u ah Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys,si ay ugala xaajoodaan khilaafyo sii weynaaday oo u dhexeeya Labadan Urur.
Saraakiishan ka tirsan Alshabaab oo aanan magacyadooda si rasmi ah loo haynin ayaa waxaa kamid ah Afhayeenkii hore ee ururka Alshabaab imikana ah Sarkaal sare o ka tirsan ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuumansuur),waxayna ka yimaaadeen dhanka jubooyinka oo maalmihii lasoo dhaafay ay shirar uga socdeen Madaxda Alshabaab.
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa beryihii lasoo dhaafay ku kacsanaa Siyaasada ururka Alshabaab,wuxuuna ku eedeyey in ay burburiyeen heshiisyadii ay ku wada shaqeyn jireen,sidookale wuxuu Hogamiyuhu sheegay in Alshabaab ay doonayaan Dagaal Dhexmara ururkiisa &Alshabaab oo hada ah Awood aad uga badan XIsbul Islaam.
Saraakiishan Xalay gaadhay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la filayaa inay Hogaamiyaha Xisbul Islaam kala xaajoodaan Arimihii ugu danbeeyey ee labadan urur oo khilaafkoodu gaaray heer ay gacan iskula tagaan ayna ku dagalamaan Jubooyinka &Muqdisho.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment