Maxweynaha maamul goboleedka Puntland oo isku shaandheeyey hay'adaha amniga ee Puntland.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey Hay'adaha Nabad Sugida ee maamul goboleedka Puntland,wuxuuna Madaxweynuhu magacaabay Sarkaal xukumaya Guud ahaan hay'adaha Nabad Sugida Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu magacaabay Sarkaal cusub oo Xukumaya Hay'adaha Nabad Sugida iyo Amniga ee PIA iyo PSF waxaana loo magaabey gaashaanle sare cali maxamed yuusuf calli ( biinge ).
Magacaabida Mas'uulkan Cusub iyo isku shaandheynta hay'adaha Amniga iyo Nabad Sugida ee Puntland ayaa kamid noqonaysa,isku shaandheyn iyo Xilkaqaadid uu madaxweynuhu ku sameynayey guud ahaan Hay'adaha mamul goboleedka Puntland,wuxuuna Madaxweynuhu doonayaa in uu wax badan ka badalo Saraakiisha Maamulkiisa.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment