Home | News | Barakacii ugu weynaa oo maanta ka socda magalada muqdisho

Barakacii ugu weynaa oo maanta ka socda magalada muqdisho

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Barakac xoogan ayaa saaka si xowli ah uga bilowday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib dagaalo culus oo labadii maalmood ay gil gileen, kaasoo ay ka qeyb qaateen Taangiyada Ciidamada AMISOM.

Barakaca iyo qaxa ayaa si isku mid u saameeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir, gaar ahaan deegaanada waqooyiga Muqdisho oo hada yoolka dagaalada uu saaran yahay.

Qoysas fara badan ayaa bilaabay in ay ka qaxaan guryahooda, gaar ahaan degmooyinka Shibis, C/casiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ahaa goobaha dagaalada daran ay ka dhacayeen maalmahan.

Baabuur isugu jira kuwa yar yar, BL iyo kuwa xamuul ayaa la arkayay iyagoo soo daabulaya dadka qaxaya oo sita alaabahooda, sida Joodariyaasha iyo maacuunta, waxaana dadka barabaxaya u badan yihiin Haween iyo caruur.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet