Somali Radio
Somali Linkz
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnie Carson ayaa sheegay in Mareykanka aanu diyaar u aheyn in xilligan gacan milateri ka geysto caawinta DFKMG
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnie Carson ayaa sheegay in Mareykanka aanu diyaar u aheyn in xilligan gacan milateri ka geysto howl galka iyo dadaalka Dowladda KMG ugu jirto in ay kula wareegto Caasimada.
Mr Carson ayaa beeniyay warar si is-daba joog uga soo baxayay saraakiil ka tirsan Mareykanka, kaasoo ahaa in weeraro cirka iyo kuwo gaar ah ka fulin doonaan dalka Soomaaliya, si Dowladda ay ugu suurta gasho la wareegitaanka goobaha gacantooda ka maqan.
Waxaa uu sheegay in Mareykanka aanu si toos iyo si aan toos aheynba uusan weeraro dhinaca cirka ku taageeri doonin Dowladda KMG, kadib markii ay shaaciyeen Saraakiil Mareykan ah.
Johny Carson ayaa cadeeyay in Mareykanka ay ka go'an tahay taageerida Dowladda KMG, isagoo xusay in bilihii la soo dhaafay ay taageero lacageed oo gaaraysa 185-Milyan oo Doolarka Mareykanka ay ku tabaruceen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo 12-Milyan oo Doolarka Mareykanka ah oo ay si toos ah gacanta ugu galiyeen Madaxda sar sare ee Dowladda KMG Soomaaliya.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment