Duqeymo culus oo maanta loo geystay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho
Waxaa soo kordhaya qasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymo culus oo Barqanimadii maanta si darandoori ah ugu habsaday xaafado ku yaala degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid,Wardhiigleyn iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho kuwaasoo geystay qasaare nafeed oo soo gaaray dad rayid ah oo xaafadaha la garaacay qaarkood ku sugnaa.
Madaafiicdan oo dadku ay sheegeen iney ka soo dhacayeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa intooda badan ay ku habsadeen guryo iyo xaafado si weyn looga barakacay oo ku yaala degmooyinkaasi la garaacay iyo qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.
Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya qasaaraha madaafiicdaasi ay geysteen ayaa waxay sheegayaan in illaa 3 ruux ay ku dhinteen sagaal kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la gaarsiiyey isbitaalada magaalada Muqdisho sida uu sheegay Cali Muuse oo ah madaxa gadiidka gurmadka deg deg ah oo intaa ku daray in dhaawacyada ay ka kala qaadeen meelo ay ka mid yihiin Suuqyada Bakaaraha, Siinaay, Suuq bacaad, xaafadaha Xararyaale, Sanca iyo meelo kale oo badan.
Madaafiicdan ay ciidamada AMISOM ku garaaceen maanta degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho oo aan la ogeyn sababaha keenay ayaa ku soo beegmaya xili aaney maanta wax dagaalo ah ka jirin magaalada Muqdisho qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay xasiloon yihiin deegaanadii maalmo ka hor ay ka dhaceen dagaalada lagu hoobtay ee woqooyiga magaalada Muqdisho inkastoo ciidamada labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka ay isku hor fadhiyaan.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment