Home | General | Ciidamada Dawlada Ethiopia oo soo gaaray magaalada kala beer

Ciidamada Dawlada Ethiopia oo soo gaaray magaalada kala beer

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kolonyo Baabuur ah oo ay saaran yihiin Ciidamo itoobiyaan ah aya waxa ay soo gaareen halka loo yaqaano kala beer oo ku dhow Xarunta Gobalka Hiiraan ee Beled weyne.

Iyada oo ku sugan yihiin xarunta Gobalka Hiiraan ee Beled weyne Uruka Xisbul-Islaam ee sida weyn uga soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Shisheeye iyo dawladda KMG ee Soomaliya,ayaa waxa hadana soo gaaraya gobolka Hiiraan Ciidamo Ethiopian ah.

Si kastaba ha ahaatee soo gelitaanka ay soo galayaan ciidamada Itoobiyaanka gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo ay heshiis ku gaareen Xarunta Dalka Ethiopia ee Adis abab Dawlada FKMG Soomaaliya iyo Uruka Ahlu suna Waljamaaca.

Maaha markii ugu horreysay ee ciidamada itobiya ay soo galaan Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Hiiraan,waxayna marar badan soo gashay Gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet