Home | News | Dowladda Eritrea oo si caro leh uga jawaabtay war bixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobay

Dowladda Eritrea oo si caro leh uga jawaabtay war bixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Dowladda Eritrea ayaa waxa ay si caro leh uga jawaabtay war bixin dhawaan ka soo baxday Qaramada Midoobay taasi oo lagu eedeeyay in wali ay hub keentay wadanka Soomaaliya. 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada arimaha dibadda ee wadanka Eritrea ayaa lagu tilmaamay war bixintii dhawaan ay soo uruuriyeen gudiga la socodka ee Qarmada Midoobay in ay aheyd war aan sal iyo raad toona laheyn iyadoo dowladda Eritreana ay sheegtay inaanay marnaba taageero hub ah siin doonin dhinacyada ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya taasina ay tahay wax muran ma doonta ah. 

Dolwadda Eritrea ayaa waxa ay sheegtay in warbixintaasi ay tahay been la soo dhoodhoobay iyadoo tilmaamtay in ay diyaar u tahay in ay ka hortagto waxa ay ugu yeertay borobogaando xaqiiqda ka fog oo la soo siyaasadeeyay oo ka dhan ah Eritrea. 

Eritrea ayaa waxa ay ku celcelisay baaqa ay jeedinayso oo ah in warbixinada noocaas ah loo keeno cadeymo muujinaya in dowladda Eritrea ay ku lug leedahay.  Dowladda Eritrea Wasaaradeeda arimaha dibadda ayaa ugu baaqday Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in cadeymo ku aadan arintaasi ay keenaan iyagoo ku celceliyay in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona laheyn.  

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet